HADAAN OGAANLAHA XIRFADAHAN MUHIIMKA AH WAN BARAN LAHAA. 

Waxbarashada toos ah waa mid joogto ah oo anaan marna la joojin, isbedelada tiknoolojiyada iyo waayaheeda waxa uu fududeeyay in dunida ay kuso kororto aqoon cusub oo la jaanqaadeysa hormarka iyo xadaarada bulshooyinka. 

Xirfadahan waa kuwo ay ku yaryihiiin amaba aan dhihi karno waxa jira dad yar oo bartay oo maanta ku shaqeysta. Halkan hoose waxan kugula wadaageyna xirfadaha muhiimka ah ee aad u baahantahay inaad barato amaba aad barto caruurtada. 

Waa xirfado mustaqbal wanaagsan leh marka la joogo suuqa shaqooyinka ahne xirafadaha ugu mushaarka badan caalamka aynu maanta ku noolnahay . Hadii aad fursada u heshay inaad aqriso qormadan waxan rajeyneyna inaad inoo reebto faalo. 

ARTIFICIAL INTELLIGENCE (AI) IYO MACHINE LEARNING(ML) 

Inyar aan kuu xeerno waxa ay tahay AI waa hab gaabiska Artificial Intelligence afka soomaaliga ahne noqonaya “garaadka macmalka ah” hadan weydiino turjumida google ka wuxuu nasiineyaa micno ka duwan micnahan. 

AI gu waxa loola jeeda jilitaanka garaadka aadanaha ee mashiinada weliba gaar ahaan kombuyuutarada ,nidaamyadan waa kuwo loogu talagalay iney qabtaan howlaha sida caadiga ah ubaahan garaadka aadanaha sida xalinta dhibaatooyinka, barashada , sababeynta iyo fahamka luqadaha. 

Nidaamyadan waxa soo hoosgalay waxwalba oo ay qabanayaan komboyuutarada hadii ay ahan laheyd robodyada, waxbarida mashiinada iwm . waxa sidoo kale jiro apps iyo website yo sameeya baranaamijyada qaabilsan AI ga sida kuwo sameeya sawirada ,muqaalo iyo codad aanan sax aheyn balse aad ugu eg muqaalada caadiga . Ubedelida qoraalada sawiro ama muuqaalo adigoo adeegsanaya qoraal aad kuso koobeyso waxad ubaahantahay iney kuu qabtaan kadibna ay kuso bandhigaan natiijo aad ku qanacdo. 

Machine Learning(ML) dabcan waa qeyb-hoosaad AI ga soo hoosgalaya taasi oo abuureysa diiradana saareysa nidaam barida iyo hormarinta aragtiyada iyada oo anan si cad loo birogaraamin intii la raaci lahaa nidaam xadidan ML waxa uu isticmalaya data iyo algorithim taasi oo sameyneysa saadaalin , garasho iyo ficil. 

Xirfadan waa mid aad uu usareeyso baahiyaha ka jira iyo weliba mushaaradka ay ku shaqeeyan dadka bartay xirfadahan oo ka mid ah dadaka ugu musharaadka badan aduunka teknoolojiyda. 

CYBERSECURITY (AMNIGA INTERNET KA) 

Amniga internet ka waxa uu ka midyahay xirfadaha ugu baahida badan ee maanta ay shirkadaha waaweyn ee teknoolojiyada ay baadigoobayan ahne shaqooyinka ugu mushaarka badan marka la eego shaqooyinka teknoolojiyada. 

Cypersecutiry waxa uu noqonaya amniga internet midkaasi oo lagaga difaacayo burcada jabsada xogaha muhiimka ah ee shirkadaha waaweyn iyo kuwo soo koraya waxana la sheega inuu aad usii kordhayo sanadba sanadka ka dambeysa jabsashada internetka . 

Xirfadan qofka bartay waxa uu kara amaba awood u leeyahay inuu aad u xaqiijiyo badqabka iyo amniga shirkada marka laga eeko dhanka internet ka isago masuul ka noqonoya misana baahinaya qataha ku imaan kara shirkadaha iyo goobaha ay ka jilicsanyihiin si looga hortago in burcada internetka ay jabsadaan xogaha shirkada. 

Waa xirfad mustaqbal wanaagsan leh taasi oo ay aad ugu soo badanaya dhalinyarada soomaaliyeed oo hamigoodu yahay iney helaan mushar fiican iyo weliba shaqo ay ku faraxsanyihiin qabashadeeda . 

DIGITAL MARKETING ( SUUQGEYNTA DHIJITAALKA) 

Xirfadaha kuwooda ugu kobaca badan uguna raadinta badan marka la eego suuqgeynta dhijitalka ama suuqgeynta internet ka dhexdiisa, waa xirfad aad u bahantahay inaad barato si aad ugu shaqeysato . 

Suuqgeynta dhijitaalka waxa ay noqoneysa  suuqgeyn adiga oo adeegsanaya teknoolojiyada iyo kanaalada internetka si aad u gaarsiiso macmiisha adeeg ama badeecad . 

Dabcan waxa laga yaba inaad aragtay qof baraha bulshada caan ka ah oo so bandhigaya adeeg ay shirkadi qabato ama badeeco ay shirkad soo saarto taasi waa iibgeyn ama suuqgeynta dhijitaalka ah .  

Waxa uu gaarsiinaya dad badan oo ku xiran bartiisa kadibna ay ku qancaan amaba ay ka iibsadaan badeecadahaasi uu suuqgeynta u sameyay, fahan ahaan waxan rajeynaya inaad fahantahay suuqgeynta dhijitaalka ah. 

Hadii aad diyaar u tahay inaad ka faideysato suuqgeynta dhijitaalka misana aad ka dhigato xirfad aad ku shaqeysato waxa ka banaan fursado oo waxaad suugeyntaas u sameyn karta shirkadaha bixiya adeegyada iyo badeecooyinka kala duwan sidaasina aad daqli kaga sameyso. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *