5 SHAQO OO AAD LACAG KA SAMEYN KARTO WEEKEND GA.

Kahor inta anan kuu sharixin shaqooyinkan iyo qaabadka aad lacag kaga sameyn karto bal aan isla yara fiirino waxa ay tahay shaqooyinkan loo yaqaano “side hustle jobs” erey ahaan markan isku dayay inan kuu turjumo misana aan kuu sharaxo waxan isleeyahay waa “ shaqo doc katuur”.  

Shaqadan ma ahan shaqada caadi ah ee aan qabano shanta maalin ee aan shaqeyno waa shaqo laga shaqeysto maalmaha weekend ga sida Qamiista iyo jimcaha sido kale wadamada reer galbeedka Sabdi iyo Axad (part time jobs) aya laga shaqeysan kara. 

Shaqadan waxa lagu qeexa in ay tahay mid si madax banan uu qofku kaga shaqeysan karo , isago soo bandhigaya adeegyo markaasi muhiim ah oo ay u bahanyihiin macmiisha , waana mid badana laga sameeyo daqli dheeri ka ah mushaarka bilaha ah ee uu qofku ku shaqeeyo. 

Si kale oo faahfaahsan hadan kugu qeexo Cali ayaa shirkad ka shaqeeya wuxuuna ka qaata mushaar gaaraya 200 doolar amaba ka badan , Cali kuma filna mushaarkaasi uu ka qaato shirkada marka waxa uu u bahanyahay inuu yeesho il dhaqaale oo ka kaabeysey qarashaadka noloshiida ku baxaya.  

Cali wuxu yaqaan sida loo Eddit gareeyo amaba loo hagaajiyo muuqaalada marka aqoontiisa ayuu wuxu ugu adeegaya macmiil u baahan in loo hagaajiyo muuqaalo sidaasina lacag ayuu kaga helaya shaqadaasi uu u qabtay macmiilka. 

Ogow cali shirkad buu u shaqeeya 5 ta maalin ee caadiga ah balse tan waa mid ka madax banan shaqada shirkada uu u shaqeeyo wuxuna helaya daqli dheeri ah oo laga yabe in mushaarkiisa uu ka badanyahay labadaasi maalin uu u shaqeysanyo si madax banan .  

Isug ma ahan shaqo badana joogto ku noqon karta oo aad kaga xisaabtano mushaar bile ah balse wa mid aad qabaneyso adigoo u shaqeysanaya markaasine mushaari ka ah shirkad amaba meelo kale oo ay wax kaso galaan  sido kale shaqooyinkan ayaa waxa ay dadka qaar u yihiin shaqooyinkooda maalin laha ah kana helaan dhaqaale farabadan . 

Inaad ila fahantay ayan rajeynaya marka aan halkan kugula wadaago shaqooyinka aad ka shaqeysan karto maalmaha weekend ga adigoo daqli ama dhaqaale dheeri ah ka sameynaya xirfadaha aad baratay kana faideysanaya inta aad meelaha waqtigada ku dhumin laheyd. 

Shaqooyinkan meelwalba oo aad joogto inaad kaga shaqeysan karto ayan rajeynaya waa hadii ay fursadahansi ka jiraan wadanka aad ku nooshahay isla socod wanaagsan yana ka iloobine Aqris wanagsan ayan ku leeyahay . 

  1. Yutube chanel. 

Youtube inan tariiq ahan kaga sheekeyo ma rabo balse hadaan inyar kuu isla fiirino waxad marqaati ka tahay in dhalinyaro badan ay malaayin lacago ah ka sameeyan bilweliba waa shaqo labada gelinba aad ka shaqeysna karto sida inaad noqoto part time ama full time . 

Kaliya waxa uu kaga bahanyahay waa inaad leedahay hal- abuur oo aad wax curin karto , kuma xirna inaad aqoon leedahay iyo inkale balse wa inaad la imaato fikrad soo jiidanaya daawdaha iyo inaad sameyn karto muuqaalo amaba aad codeyn karo. 

Dooro Niche ( mawduuca) aad rabto inaad soo gudbiso tusaale Cuno karinta, Qisooyinka, Wararka, Podcast yada, Falcelinta , baahinta ganacsiyada , Qulaaseynta Buugagta iyo Arimaha qoys iwm . 

Markad hesho mowduuca aad isleedahay wad kaso bixi karta misana ah mid aad adiga laf ahantada jeceshahay sida ku bilow oo sameyso Janaal gaar kuu ah oo aad kuso bandhigto mowduucaga ogowne ineysan jirin waqti ku haboon inaad bilowdo waxad doonto ayad ku bilaabi karta. 

  1. Blogging  

Dabcan ereygan waxan kugu qeexi kara inad sameyso qormooyin aad kaga hadleyso ciwaano gaar ah oo markaasi bulsahada wax-tar u leh ayna ka faideysan karan waxne ka baran karaan . 

Waxa jira dhalinyaro badan oo wayahan dambe fahmay faidada uu leeyahay sameynta blogging ga iyo iney ka helaan dhaqaale , Blogging ka waxa uu kaga bahanyahay kaliya inaad qormooyin sameyn karto , tifaftirikarto misana aad baahin karto , sido kale waxaad u baahantahy inaad sameysato website gaar kuu ah oo aad ku baahiso maqaaladaasi.  

Tan aniga ayaa tusaale kuu ah oo waxaan leeyahy website kan www.bulshobile.com waxana kuso baahiyaa qormmoyinka la xiriira adeegyada dalka kuwooda ugu wanagsan iyo koobaha laga heli karto .  

Waa website E-comerce ah kaliyana waxan waqtigeliya maalmaha Sabdida iyo Axada madama aan malmaha kale shaqeyo waxne barto sido kale dhalinyaro aya ila shaqeeyo oo qaar warbxinada iso dir kadib ayan ka tifartra sidane an ku baahina. 

Adigane wad sameyn karta qasab ma ahan inaad midkan sameyey aad sameyso kadib aad ka hadasho mowduucayada aan ka hadlo. Waxa laga yaba inaad Dhartar tahay, wax laga yaba inad dhaqlaha wax ka baratay , waxa sido kale laga yaba inaad tahay qof ku wanagsan inuu wax ka qoro arimaha qoyska iwm.  

Ha isdhihin dadku waxba ma aqriyaan oo side lacag kaga sameyn karaa qormooyinkeyga , taasi waa been aad iska dhaadhicisay ee hada billow oo ka faideyso hal-abuurkada qormooyinkada.  

  1. Video edditing  

Haa wa dhab waa side hustle job aad lacag ka sameyn karto maalmaha weekend ga, waana xirfad maanta baahi badan ay ka jirto marka loo eego suuqa shaqooyinka. Waxaad si madax banan ula shaqeyneysa dadka u baahan in adeeg muqaal hagaajineed loo sameeyo.  

Dabcan inaad isweydineyso aya laga yaba maanta waxa jiro shirkado, xarumo iyo weliba shaqsiyaad ubahan in muuqalada loo eddit gareeyo weliba hab xirfadeysan (professional ) ah .  

Waxaad ubahantahy inaad xirfadan barato ka hor inta adan kuso biirin suuqa labo inaad heysato computer ama laptop ku wanaagsan hagaajinta muuqalada kadibne aad hesho goobaha ay dadkaasi danaya in muuqalada loo hagaajiyo ay kala so xiriran sida facebook, intagram tiktiok iwm. 

Xirfadan waan ku shaqeyay weliba muuqalada shorts ka looyaqan oo instagrapm ama tiktok laso dhigo waxana hubaa in baahi badan ay jirto marka la eego hagajinta muqadala gaagaban iyo weliba kuwo kaleba . 

Xirfadan sido kale waxa ay kaga bahantahay inaad tahay qof fahmi kara lana socda software cusub ee muqaalada lagu haagiyo sido kale hadii aad si wanaagsan u taqano video ediiting waxaad bariti karta dad kale sidaasina aad lacag kaga sameyn karta adigo diyaarinaya Koorsooyin . 

  1. Dropshipping  

Run ahaanti xirfadan waa mid ku cusub soomaalida waxana dhihi kara ilaa xad dadku badana ma fahansana , iney jiraan dad aad ugu shaqeysto wey dhici karta balse wa xirfad ugub ku ah soomaalida waxana ka banan boos aad muhiim u ah aragtideyda. 

Dropshpping dabcan waa sida dalal oo kale waxa kala dalaaleysa badeecad ay shirkad leedahay oo aad u so bandhigeysa macmiil, si kale hadaan kugu dhigo waxaad u dhaxeysa macmiilka iyo shirkada , alaabta macmiilka uu kaso dalbado ayad u gudbineysa shirkada sidas ayad qarash kaga heleysa. 

Side u shaqeysa ayad isweydiineysa waxad dhiseysa store online ah ama website aad kuso bandhigto badeecada shirkada ay heyso adigo kuso bandhigaya website kada kadiba aad qarash dheeri ah sarato , marku macmiilka uu ka helo prodact ka kadibna kaa iibso ayad usi gudbineysa shirkada soo saarta sidaasne lacagtada yar ayad kala hareysa . 

Ogow adiga wax alaab ah ma heysid , mana jirto alaab aad direyso amaba aad ku hagaajineyso macmiilka kaliya alaabtaas ayad macmiil u raadineysa oo kaa iibsada waxadna saraneysa qarash markasi u dhigma alaabtaasi. 

Shirkado badan ayaa jira oo anan waqti u aheyn iney xayeysiiyan product yada ay soo saaran marka dropshippinga waa il dhaqaale oo ay dhalinyaro badan dhaqaale ka sameeyan qaarkood waa milyoneero.  

Xirfadan waxa ay kaga bahantahay inaad marka hore barato waxa la yiraahdo Dropshipping, kadibna aad hesho product soconaya misana xalinaya baahi jirto , sido kale waxad u bahantahay inaad dhisato website aad alabtas kuso bandhigto waxan ugu caasan shopify. 

Ha iloobin in alaabtaasi aad u sameyso xayeysiis oo aad so bandhigto waana shaqada ugu adag ee dropshipping ka uguna muhiimsan , mana ka sameyn  kartid wax dhaqaale ah hadii aadan helin cid aad alabtaasi kaa iibsan karto. 

  1. Delivery Driver 

Mid ka mid ah Side hustles jobs kuwooda aan waxbadan ka sheegi karo misana aan kuso shaqeeyay, waa shaqo doc katuur oo ku haboon qofka dhalinyarada ah ee markaasi doonaya inuu dhaqaale dheeri ah sameeyo weliba maalmaha weekend ga. 

Fursadan meelo badan ayey ka jirta mana ah xirfad aad online ku shaqeyneyso, waa xirfad hadii aad gaari leedahay amaba mooto, baskil iwm aad ku shaqeysan karto maalmaha weekend ga. 

Waxad qabaneysa inaad adeegyada cunooyinka, amaba kuwa kale ee macmiilka kaso dalbado goobaha adeegyada bixaya aad gurigiisa ugu geyso sidaasina aad qarash kaga qaatado. 

Waa shaqo aad xurtahay oo aad qaban karto xiliga aad doonto mana ku xirna waqti gaar ah balse waa inuu qofka leeyahay Gaari, amaba waxyaabo kale  oo u fudeynaya inuu adeegaasi  gaarsiiyo macmiilka . 

Dhalinyaro badan aya qurbaha kaga shaqeysta oo bishi ka sameeyo lacago farobadan adigane waad ka faideysan karta hadii aad dooneyso , ogow iney kaga wanaagsantahay inaad iska fadhiisato maqaydaha oo aad qabyalad iyo qurun ka hadasho adigo lacag ka sameyn kara . 

Halkan ayan kuso gabaabeynayaa 5 ta xirfad ee aad ka faideysan karto misana ad ka sameyn karta daqli dheeri ah . Kuwo kale waa ay jiraan oo hadii aan dhahno shaqooyinkaaso oo dhan ayan so bandhgeyna waxey u bahantahay waqti kale inan so baahinoono haduu alle idmo. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *