DHISIDA CAADOOYINKA
December 15, 2024
Caado cusub oo aad sameysato waxa ay bedeleysa noloshada , lakiin waxa ay ubahantahay joogteyn iyo dulqaad fara badan . Caadooyinka waxa ay ku dhismaan joogteynta iyo ku celcelinta , caado ma dhismato ilaa aad ku celceliso ilaa marka dambe ay noloshada la qabsato.
Halkan waxan kugula wadagaya qaabka aad u sameysan laheyd caado cusub hadii ay ahaan laheyd mid wax-aqris , mid jidhisid ah amaba jimicsi iyo weliba mid ah dhisida xariiro wax ku ool ah oo aad dadka kale la yeelato.
U BILLOW SI AAYAR AYAR AH.
Ku billow tartiib tartiib , waayo waxa ay noqonayaan kuwo aad maamuli karto, aad joogteyn karto weliba adiga oo si fudud u dhisaya cadadaasi cusub . Tusaale hadii aad dooneyso inaad sameyso jimicsi waxad marka hore ku billowda 10 ilaa 15 daqiiqo maalintii .
Sido kale hadii aad rabto inaad bilowdo caado wax-aqris ku bilow dhorw bog oo kooban si aad ugu raaxeysato una joogteyso . Haku bilaabin inaad in badan aqris si aadan ugu caajis oo adan u nicin cadadaasi cusub aad dhisaneyso .
KU LAMAANE CAADO HORE AAD U LAHEYD
Caadadan cusub ku xir ama ku lamaane mid aad horey u laheyd tani waxa ay ka caawineysa inaad joogteyso oo aadan marna ka harin dhisida caadadan cusub . Tusaale waxaad rabta inaad bilowdo wax aqriska waxaad ku mataaneysa wax-aqriska xiliga aad waxbarashada ku jirto.
Waqtiga nasiinada aad xiisadaha ka nasaneyso markaasi aqri-buuga ad rrabto inaad aqriso taasi waxa ay ku siineysa inaad marweliba aad break leedahay aad wax-aqriso.
Sido kale hadii aad rabto inaad bilowdo dhageysiga podcast ga waxa ku xirta dhageysigiisa waqti-weliba adan howl ama wax-qabaneyn taasi waxa ay kaa cawineysa inaad jogteyso dhageysiga podcast yada .
USAMEY WAXYABO KUSO XASUUSIYA
Waxaa jira waxyabo badan oo aad sameysan karto si aad uso xasuusato dhisashada caadadaasi cusub waxa isticmaali kartaa inaad warqad yar oo note ah meel ku dhegsato kuna dulqor waxa markasi ay tahay inaad ka dhigato caadada cusub .
Sido kale waxaad adeegsan karta Apps kuwaasi oo kuso xasuusinaya waqtiga aad qaban laheyd ama sameyn laheyd cadadaasi cusub . Hadii aad rabtid inaad jiimka aado waxad sameysa dharka aad jiimka ku tagi laheyd dhig meel u dhow sariirtada si markad aragto aad uso xasuusato inaad jiimka tagto .
SI JOOGTO AH DIIRADA U SAAR
Caadooyinka waa ku celcelin iyo joogteyn hadii aadan joogteyn ma noqonayan kuwo kuu dhisma ama aad la qabsato marka samey joogteynta iyo diirad saarida xita hadii ay kugu qaadaneyso 1 daqiiqo inaad sameyso samey.
Tusaale waxaad rabta inaad wax-aqriso , aqri hal bog malinti oo joogtey sidaasi ayey kugu dhismeysa cadada cusub hadii aad maalin gabto ku celi maalinka labaad haka tanaasulin wadna ka guul gaareyso haduu alle idmo .