MAAREYNTA DHAQAALAHA IYO DHISIDA KEYD.

Nidaamka dhabta ah ee maamulida daqliga waa aasaaska ama tiirka qaninoqoshada si aad u gaarto yoolalka aad nolosha ka leedahay , hadii aad hada bilaabeyso safarkaga maareyta dhaqaalaha kuso gala ama aad horey uso bilowday waxa lagama maarmaan ah inaad taqaano sida loo maamulo daqliga kuuso xarooda.  

Qormadan waxan kugugula wadaagaya hababka aad ku sameysan laheyd ama aad ku hormarinlaheyd inaad maareyso dhaqaalaha kuso galaa haduu ahaanlaha mid bile ah amaba sanadle ah. 

DEJISO YOOLAL DHAQAALE  

Guulaha laga gaaro dhaqaalaha waxa ugu horeeya inaa yeelato yool qeexan oo wax ku ool ah midkaasi oo aad ku dooneyso inaad sameysato maareynta dhaqaalahaga iyo qeexida qarashaadka kuso gala. 

Yoolalkan waxa ay noqon karaan inaad qarash yar meel u dhigato si aad ugu iibsato baabuur(gaari) amaba guri iwm . Qor ahadaafda una qeex qeybo-qeybo sida mida mudada gaaban amaba muddada dheer kadibna sidaasi uga shaqey oo haka tanasulin yoolka aad dhigatay . 

SAMEYSO MIISAANIYAD 

Miisaaniyadu waa habka aad ku maamuli laheyd dhaqalaha kuso gala waxa ayna kaa caawineysa inaad la socoto dhaqaalaha kuso gala iyo qarashaadka kaa baxaya. Xisaabi daqliga kuuso xarooda sida mushaarka bilaha ah , shaqo aad si madaxbanan uqabatay ama daqliga dadban (passive icome). 

Tix-raac qarashaadka kaa baxa sida bixinta kirada guriga, korontada, biyaha iyo qarashaadka cunada kaga baxa hana iloobin inaad tix-raac ku sameyso qarashaadka kaga baxa madadaalada iyo waqti ku qaadashada dibada ( ka cunteyta dibada, shineemada, geemamka iwm). 

Qoondo sameyso tusaale inaad 50% kiiba baahiyahaga ku bixiso , 50%  kiiba aad keydsato iwm waa hadba qofka sidu markaasi umaamulo dhaqalaahihiisa . 

SAMEYSO SANDUUQA DEG-DEGA AH 

Haa waa xaqiiq waa mida ugu muhiimsan ee maamulida daqligaaga , nolosha ma ahan mid la saadaalin karo waxa soo baxaya caqabadooyin badan kuwaaso oo ah deg-deg , wa inuu jiraa sanduuqan waxa uu kaa kaabaya inad ku bixiso waxyabaha deg-dega kugu dhaca. 

Tusaale yar hadii aan ku siiyo dabcan waxa xanuunsaday qof ka mid ah qoyska waxana loo bahday qarash markaasi isbitaal lagu geeyo waa hada marka uu sanduuqan faido inoo leeyahahay. 

Sido. Kale waxa cilad kaga yimid baabuurka aad ku shaqeysaneyso amaba aad ku shaqo tegi jirtay dabcan sanduuqan ayad ku baxsaneysaa oo aad dib ugu labaneysa si aad qarashaadkasi isaga bixiso . 

MAALGELIN SAMEY 

Inaad ganacsiyo maalgashato oo aad u isticmaasho qarashaadka aad keydsatay waxa ay kaa caawineysa inaad hormar kasii gaarto noloshaada , marka baro sida loo maalgashado lacagaha keydga kuu ah . 

Tani badana dadka kuma baraarugsana wana waxyabaha ay ku dhibaateysanyihiin , bal ka waran hadii  akoontigaadu ay isaga jirto lacagta oo aysan waxba kuso kordheyn sow dhib ma aha. Marka ku dadaal inaad maalgeliso lacagta si ay kugu shaqeyso . 

FIIRO GAAR AH  

Ka hor inta aadan sameyn arimahan iska bixi deymaha lagugu leeyahay waayo Deyn qaadashadu waxa ay qeybweyn ka tahay inaadan noqon qof dhaqaale ahaan isku filan .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *