NIDAAMKA SUBAXNIMO EE QOFKA MUSLIMKA AH.

Nidaamka subbaxnimo ee qofka muslimka ah waxa uu ku billowda sidan soo socda, waa lagu kala duwanan kara balse halkan waxan kugula wadaageyna qaabka ugu wanaagsan ee qofka muslimka ah uu malintiisa ku bilaaban karo. 

  1. Hurdo ka toosid  

Qofka muslimka ah waxa uu ka toosa hurdada ka hor inta aanan la gaarin salaada subax ama 5 subbaxnimo ka dib waxa uu isku diyaariyaa inuu nadiifiyo jirkiisa , afkiisa iyo ilkihiisa isaga ama iyada oo cadeysaneysa, kadib waxa uu bilaaba inuu weyso qaato . 

  1. Isku diraarinta salaada 

Qofka muslimka ah waxa waajib ku ah inuu maalintiisa ku biilaabo dukashada salaada subax oo ah mid ka mid ah salaadaha waajibka ah ee qofka muslimka lagu waajib yeelay.  

Waxa uu tukana labo rakaco oo salaada sunno ah , waxa uu ku xijinaya salaada subbax oo iyadana labo rakoco ah , hadii uu qofka muslimka ah uu ku tukan karo salaada subax jameeco waa ay ka qurux badan tahay inu kaligiisa tukado. 

  1. Arinta duco ama Quruun 

Kadib tukadashada salaada subax waxa uu qofka aqrisan karaa ducooyinka subbaxdii la duceysto , adkaaru sabbaax ama quraanka kariimka ah , aqri hal jus oo quraan ah si maalintaadu ay kuugu bilaabado maalin qurux badan misana aad isaga xijaabto musiibooyinka maalintaasi ku qabsan laha . 

  1. Sameyta jimicsi 

In aad jirkaada ka shaqeysiiso waxa ay qeyb ka tahay caafimaadka maskaxdaada iyo weliba kan jirkaada marka samey jicmisi , sida inaad  orodo , inaad dhisto murqaha jirkada iyo weliba inaad sameyso push up.  

Jimicsiga jirkeena waxa uu ka dhiga mid caafimaad qaba maskaxdeedna waxa uu siiya firfirooni iyo nashaad marka ku dadaal inaad sameyso jimicsi. 

  1. Quraacasho  

Cun quraac isku dheelo tiran oo ka kooban dhamaan cunooyinka kala duwan , sida fitimiinada, duxda, borotiinada, hydrikarobeedka iyo macdanta.  

Cunooyinkaasi isku dheelida tiran waxa ay ku siinayaan tamar aad ku bilowdo malintaada jirkaduna waxa uu kaga mahadcelinaya cunooyinkaaso kala duwan aad cuntay. 

Ku billow qaxwo (coffee) ama shaax hadba midka dooqaada ah , kadibna cun cunto ka kooba dhaman noocyada kala duwan ee cunooyinka ee aan soo sheegnay. 

Hadii aadan karaneyn cunooyinka laga heli karo maadooyinka kala duwan waxaa jirto warbixin  aan ka qornay cunooyinka iyo waxyabaha aynu ka helno waxan kaa codsaneyna inaad ka aqrisato website keena si aad u fahanto misana u barato cunooyinka faaidada u leh jirkeena . 

  1. Isku diyaarinta shaqada ama waxbarashada 

Kadib marka aad soo dhameysado dhamaan qeybaha kore waxa aad isku diyaarisa shaqada ama waxbarashada hadba markaasi waxa aad maalin laha u qabato, hadii aad iskuul aadeyso ama jamacad amaba  shaqo aadeyso sidaasina ay kuugu bilaabado maalintaada quruxda badan .  

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *