SIDEE U SAMEYSTAA CAADO WAX-AQRIS?
December 2, 2024
Marka hore waa inaad jawaab u heshaa su’aasha ah ”side u sameysta caado wax aqris? “ waayo maskaxda bini adamka waxa ay wax ku garata su’aal isweydiinta sida ay ku xustay buuggeeda”Nadiifinta iyo kobcinta maskaxda” qoraa Safiyo Farah Baandhe.
Hada waad socon karta waayo su’aashaas adigoona isweydiin xalka ma imaanayo , bilaabida ama sameysashada caado cusub ma ahan wax sahlan ama si fudud lagu sameyn karo. Balse mar hadii aad diyaar u tahay isbedel misana aad dooneyso inaad sameysato caado cusub ayna kaa go’antahay sameysashada wey ku sahlanaanysa kaliya waa in aad Sabir iyo dulqaad u muujisaa ka miro dhalinta iyo toosinta caadada cusub.
SAMEYSO WARTI WAX-AQRIS
Waxa ugu horeeya ama aan dhahno bilowga u noqon karo inaad sameysato caado wax-aqris waa Waqtiga wana waxa kaliya ee uu qofka bini adamka ah uu heli karo qabashada howl ama nasiino uu ku doonayo inu sameyto marka waqtigaasi aya kuu muhiim ah .
Sido kale waqtiga waa midka kuu sahlaya amaba kuu suurto gelinaya inaad u fadhiisato misana bilowdo wax-aqriska. Waxaad heysata 24 saac maalinti oo ah subax ilaa habeen waxad sameysaneysa waqtigaad adigu isleedahay wad bilaabi karta wax-aqriska kadibna sidaas ayad ku bilaabeysa.
Weynu oganahay in dhalinyaro badan oo inaga mid ah ay manta doonayan meel ay waqtigooda ku dhumiyaan si ay isku dhaafsiiyan waqtigaasi, mana ogtahay in waqtigaasi aad leedahay melan ku dhumiyo ayan doonaya uu ka mid yahay cimrigaga.
Ku dhumi waxa kuu danta ah misana aad ku faaideyso aduun iyo aqriba , wax-aqriskane waa waxa aduun iyo aaqiraba faaido kuu noqonaya waayo hadii aad aqrisato quraanka kariimka wadku faaideysa sido kale hadii aad aqriso buuggagta culuumta iyo cilmiga wad ku faaideysa .
KU BILOW BUUGGAG YAR YAR
Buuggagtu waa ay kala xajmi iyo bogag badanyihiin sababto ah buug aya ka kooban 500( shan boqol ) beej ama inkabadan , qaar kale waxa ay ka koobanyhihiin 30(sodon ) ilaa 200(labo boqol ) oo beej , marka sida ay u kala bogag badanyhihin uma wada aqrin kartidid .
Markaa bilow tahay ee aad dooneyso inaad caado ka dhigato wax-aqriska ku bilow buuggagta yar yar ee aadan ku caajiseyn amaba kaa hor istaagi karayn inaad joojiso wax-aqriska .
ku bilaabida buuggagtan yaryari waxa ay kaa caawinayan inad ku raaxeysato misana aad joogteyso wax-aqriska , Waad ku raaxeysaneysa, waadna xiiseyneysa wax-aqriska. waxan kugula talinaya inad sidasi u bilowda markan wey kuu salananeysa caadada cusub wadna ka dhabeneysa kana miro dhalineysa.
JOOGTEY MAALINWELIBA
Joogteynta wax aqriska waxa ay kuu noqoneysa caado aad si maalinle ah u joogteyso waana qaabka kaliya e aad caadadas uga dhabeyn kareyso waayo caadooyinka sidoodaba waa in la joogteeyo si marka xigta aad ula qabsato .
Sido kale inaad wax-aqriska joogteyso oo aad ka dhigato amaba ku darto jadwalkada maalin la ah waxa ay kaa kaabeysa oo ay kor u qaadeysa habka wax-aqrintadda, waxa ay ku siineysa dhiirogelin , marka noqo qof joogteeya aqriska si ay caado kuugu noqoto marka dambane aad ula qabsato.
MAXAAN DOONAYA INAN AQRIYO?
Sameysashada caadada wax aqriska waa waxyaabaha ka midka ah ee kuu horseedi karaya inaad ka dhabeyso aqriskaa waxa ay tahay inad su’ashan ah “maxaan doonaya inan aqriyo?” inaad is weydiiso waayo waxa ay kaa caawineysa inaad caadada ku dabaqdo waxa aad dooneyso inad aqriso.
Maxey yihiin waxa iga maqan ? halkee doonaya inan ka dhiso nafteyda? Halke ka kobcinaya maskaxdeyda ? maxaana iga maqan oo aan doonaya? Dhamaan su’aalahan waa kuwo kuu sahlaya inad wax -aqriso.
Ma waxaan doonaya inan iska dhiso xaga qoyska? Ma waxaan doonaya inan aqriyo taariiqaha? Ma waxaan doonaya inana aqriyo hal-abuurada ganacsiga ? ma waxaan rabaa inan noqde fagaare ka hadle? Iyo su’aalo kale oo badan waxa ay noqonayan kuwo ku kaabaya kuuna suurto gelinaya inad bilowdo wax-aqriskada.
Tusaale yar aan halkan idinkugu soo gudbiyo si aad u fahantan dhaman su’aalahani “ aniga oo ah qoraha Maqaalkan waxan doonayay inan wax ka bedelo jadwalka subaxlaha ah ee nolosheyda kaasi oo an aheyn mid isugu key toosan amaba aan doono inan kaso tooso goorka ay ila noqoto , waxaan bilaabay oo aan baaray buugag ku wanaagsan ka mirodhalinta toosinta iyo hagida subaxa iyo sida aan u sameysan lahaa jadwal sax ah , waxan helay buug aan isdhihi karo nolosheyda wax badan buu ka bedelay kaaso oo ah “the Miracle Morning” Subixi Mucjisada ee uu qoray Hal Elrob .
Run ahaanti waxbadan ayan ka faaidey kadib aqriska buuggan waxana ka bartay macluumaadyo iga maqna oo an ku saxan laha jadwalkeyga maalin laha ah .
Hada wad garaneysa sow ma ahan waxa aad dooneyso inaad aqriso iyo halka aad dooneyso inaad ka dhisto naftada iyo maskaxdaa ku dhaqaaq marka oo horey usoco kana dhabey inad la imaato caado wax-aqris oo kuu horseeda mustaqbal wanaagsan iyo guulo .